Waxaa maalintii sadexaad si habsami ah ugu

soo gabagaoobay hoolka Shirkii wada tashiga xubnaha jaaliyadaha kanada.

Shirkan oo ku furmay in laga doodo qodobo aad muhiim ugu ah halganka

Jwxo ay hormoodka u tahay waxaana ka mid ah abaabulka iyo midnimada shacabka ogaadeeniya.

Shirkan oo socday mudo sadex maalmood la isagana yimid dhamaan jaaliyadaha gobolada dalka oo dhan Waxaa Lagu kala qaatay warbixin aad u qiimo badnaa, sidoo kale Waxaa warbixino laga dhagaystay gudoomiyayaasha ka yimid jaaliyadaha Winnipeg ,Kitchener iyo Ottawa waxayna halkaa ugu mahadceliyeen jaaliyada magaalada Edmonton oo suuro kalisay inuu shirkani si fiican ku qabsoomo.

Waxaa shirkaa ka soo baxay war murtiyeed loo gudbin doono meeshii loogu talo galay iyo baaq loo soo jeediyey shacbiweynaha soomaalida ogaadeeniya oo ku wajahan maanta meesha ay Ethiopia marayso Waa in loo midoo baa si aynu u gaarno yoolkeena.

Waxaa shirka gabay aad u qiimo badan ka soo jeedisay marwo ardo koos,sidoo kale xubnuhu waxay siwada jir ah ugu qaadeen heestii diidimayno geerida dhamaana hoos ka daawo.

Waxaa shirka soo gabogabeysay Dr cibaado xirsi waxay halkaa uga mahadcelisay jaaliyada magaalada Edmonton sidii hufnayd ee ay shirkan u suurto galisay una maamulayeen mudada sadexda maalmood ahayd iyo marti gelinta ay u sameeyeen wufuudii ka kala yimid jaaliyadaha kale ee Canada ,waxay kaloo u mahadcelisay waftiyadii meelaha fogfog ka yimid.

Shirkan wuxuu ku soo dhamaaday guul waxaana maalin walba goob joog ahayd warbaahinta soomaalida ogaadeeniya qorahay media,ONA,ogden24 oo si toos ah idiin la socodsiinayey

img_4761img_4760img_4759img_4758img_4757

img_4755img_4756

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay