Madaxweynaha dalka Romania ayaa gaashaanka ku dhuftay in uu ansixiyo Raysalwasaaraha cusub ee xisbigii doorashada dalka Romaia ku guulaystay uu soo magacaabay haweenaydan oo ah muslim ayaa lagu waday inay noqoto haweenaydii ugu horeysay ee dalkaasi oo xilka Raysalwasaaraha qabata.

Madaxweyne Klaus Lohannis ayaan wax tafaasiil ah ka bixin sababta uu u diiday inuu ku ansixiyo Raysalwasaaraha cusub ee uu soo magacaabay Isbaheysiga Garabka Bidix ee ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

 Wuxuu sheegay inuu dhinac walba ka eegay magacaabida Haweenaydan Muslimka ah, balse uu go’aansaday inuu diido, isagoo sheegay inuu markale ka codsanayo xisbigeeda inuu qof kale usoo xusho xilka Raysalwasaaraha. Hogaamiyaha Xisbiga ku guuleystay Doorashada ee (PSD) ayaan xilka Raysalwasaaraha qaban karin maadaama horey loo xukumay, balse soo magacaabay haweenaydan lagu magacaabo Sevil Shhaideh oo horey xil uga soo qabatay xukuumada sanadkii hore ee 2015.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay