Wararka naga soo gaadhaya Gobolka OMO ee koonfurta shucuubta koonfureed ee Itoobiya ayaa sheegaya in uu halkaas kagoostay sargaal magac iyo maamuus kulahaa Gobolka OMO.

Sargaalkan oo lagu magacaabo Sidotaw Garshow ayaa ahaa kuxigeenka maamul kusheega Gobolka OMO wuxuuna ahaa sargaal siwayn uga dhex muuqday xisbigii EPRDF ee kumidaystaan minja xaabinta shacabka Itoobiya.

Sida xogtan aan kuhelay Sidotaw Garshow ayaa labaxsaday dhalin yaro aad ubada oo isugu jira ciidan wayaanaha ushaqayn jiray iyo dhalin yaro kale oo dhamaan tood ka cadhaysan dhaqanka qalafsan ee wayaanaha.

Sidotaw Garshow ayaa lagu soo waramayaa in uu ciidankan duurka lagalay isagoo sheegay in uu qoriga afkiisa kuraadin doono xaqa umada kudhaqan Gobolka OMO oo in badan si nabad ah xaqooda kuraadinaysay sida uu sheegay sargaalka ka goostay xisbi kusheega EPRDF.

Arintan ayaa baasiin kusii shubaysa xaalada Gobolka ay qoomiyada OMO dagto ee koonfurta shucuubta laysku yidhaahdo koonfurta Itoobiya halkaas oo mudooyinkii ugu dambeeyayba ay kajireen banaan baxyo lagaga soo horjeedo xukunka TPLF.

Sikastaba ha ahaatee sargaalkan udhashay qoomiyada OMO ee go’aansaday in uu dagaalamo ayaa dhiiri galin wayn siindoona saraakiil kale oo biyo cantuugsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay