Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaaliya ayaa warmurtiyeed cusub oo ay soo saareen waxay isku waafaqeen  in dib loo dhigo fulinta doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka , ilaa iyo inta laga dhamaystirayo doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madashu waxay kaloo isku raaceen in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi, taasi oo loo xilsaaray Ra;isul Wasaaraha Soomaalliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

 Qaramadda iyo Wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay in kordhinta xubnaha aqalka sare ee Barlamaanka, waxayna shaki weyn ka muujiyeen kalsoonida lagu qabi karo hanaanka doorashadda 2016ka ee Soomaaliya oo ay sheegeen in musuqmaasuq iyo wax isdabarin badan ay ka dhacday xiligii ay socotay doorashada aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay