Maanta oo Jumce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 30/12/16 waxaa magaalada Riyaad ee wadanka boqortooyada Sucuudiga ka qabsoomay shirkii Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Riyaad.

Shirkan oo ahaa shirkii todobaadlaha ahaa ee Jaaliyada ayaa furmay salaadii khudbada Jumcaha kadib waxaana lagu furay aayado kamd ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sh Xassan Nuur oo ah hogaanka diinta ee Jaaliyada wuxuuna sheekhu bulshada xasuusiyay cabsida Allaah iyo waajibaadka saaran xubnaha dhulkoodii xooga lagu haysto.

Intaas kadib gudoomiye kuxigeenka Jaaliyada halgame Cabdi Haaruun oo ahaa shir gudoonka shirka ayaa warbixin mug iyo miisaan leh laga dhagaystay wuxuuna gudoomiyuhu si qota dheer uga warbixiyay wararkii ugu dambeeyay ee wadanka Ogadenia.

Dhinaca kale waxaa kulanka khudbado dhaxal gal ah kasoo jeediyay qaar kamid ah kaadirka iyo gudiga Jaaliyada kuwaas oo dhamaantood carabka kudhufanayay in si aan kala hadh lahayn loo garab istaago halganka hubaysan ee Ogadenia kasocda.

Guntii iyo gunaanadkii kulankii jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Riyaad ayaa si habsami leh usoo dhamaaday wuxuuna kusoo dhamaaday si nabad ah

ONA Riyaad.

img_4771 img_4772 img_4773 img_4774 img_4775

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay