Sida laga soo xigtay Maamulka Hay’ada Arimaha Qaxootiga ee marka la soogaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegaya in nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Axmed Shire Warsame dhowaan loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha La-Tacaalidda Gurmadka Deg degga ah ee Hya’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Sida uu warkani sheegayo waa ninkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo jago sare ka qabta hay’addaas. Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dunida dacalladeeda ayaa waxaa shaqaalohooda kamid ah muwaadiniin badan oo u dhashay Soomaali.

Soomaalida Qaramada Midoobay u shaqaysa ayaan jagooyin sare oo muuqda ka haynin, waxayna u badan yihiin shaqaale hoosaad aan muuqanin. Waxaa xusid mudan in ay Geeska Africa oo kaliya ay ka hawlgalaan hay’ado badan oo hoos taga Qaramada Midoobay. Hay’adahaas Soomaalidu kama dhex muuqdaan siday doontaba haku timaadee.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay