Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaalo cul culus oo dadka deegaanka iyo ciidanka wayaanaha ku dhex maray halkaas.

Sida xogtan aan kuhelay 400 oo ciidanka gumaysiga Itoobiya ah ayaa weerar kuqaaday deegaan katirsan Gobolka Axmaarada oo ay ku dhaqan yihiin dad beeralay ah oo kamid ah dadka xabashida ee kacdoonka kawada dhulka Xabashida.

Dagaalkan ayaa lagu soowaramayaa in ay shacabkii beeralayda ahaa usuuragashay in ay kala eryaan ciidankii wayaanaha ee weerarka ahaa waxaana laheegayaa in ay kadileen ciidan aad ubadan oo kuwa Agaziga looyaqaana ah halka dhaawucuna uu noqday kash kaash.

Afhayeen uhadlay dadka shacabka ah ee ciidanka wayaanaha dagaalada lagalay ayaa sheegay in ay furteen hub ay kudagaalami karaan bilaha soosocda wuxuuna intaas kudaray in ay jabiyeen ciidankii sida dulmiga ah kusoo weeraray deegaan kooda.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa dhulka Axmaarada kasocday dagaalo khasaare badan gaystay oo udhaxeeyay shacabka xabashida iyo jabhada Gimbot 7 oo dhinac ah iyo ciidanka Agaziga looyaqaano ee ka amarqaata kooxda TPLF.

Dagaaladan ayaa lugusoo waramayaa in ay gaysteen khasaare lixaad leh oo labada dhinac ah iyadoo ciidankii gumaysiga ay usuura gali wayday in ay qabtaan howlihii loosoo diray isla markaana ay lalaabteen dhimasho iyo dhaawac aad ubadan.

Sikastaba ha ahaatee qoomiyada Axmaarada ayaa go’aansatay in ay dhulkooda ku xoreeyaan qori afkii halka ciidanka gumaysiguna ay umuuqdaan kuwo kaniyad jabay dagaalada kasocda Gobolka Axmaarada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay