Xog rasmi ah oo ay hashay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa sheegaya in la curyaamiyay dhamaan Computar radii xukuumada wayaanaha gaar ahaan shirkada isgaadhsiinta ee wadanka Itoobiya.

Sida xogtan aan kuhelay khuburo kuxeel dheer dhinaca IT ga ayaa bilihii lasoo dhaafayba dagaal dhinaca Kumbuyuutarka ah kula jiray xukuumada wayaanaha halkaas oo ay curyaamiyeen dhamaan kumbuyuutaradii ay wayaanuhu ku kaydsan jireen sirtooda taas oo keentay in sirta xukuumadu si fudud ugu gacan gasho dadka shacabka ah iyo ururrada mucaaradka ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in khuburadu ay udhaceen kumbuyuutaradii shirka isgaadhsiinta ee Itoobiya halkaas oo ay dhamaan curyaamiyeen qalabkii ay kushaqayn jirtay shirkado xog badan oo ukayd sanaydna ay labaxeen.

Xukuumada wayaanaha ayaa la ilxun dagaaladan wajiyada badan ee dhinac kasta kaga socda kuwaas oo dhamaan tood ay wayday awood iyo aqoon ay kuxakamayso.

Kooda TPLF oo mudadii rubac qarniga ahayd ee ay talada wadanka xooga kuhaysatay shaqaalaheeda baraysay sida wax loodiro ama wax loo dhagro oo kaliya ayaa hada ku jiha wareersan dagaalka dhinaca Kumbiyuutarada ah ee lagu sooqaaday waxayna kooxdu adeegsataa shaqaale ajnabi ah oo lacag aad ubadan kaqaata.

Dhinaca kale kooxda TPLF ayaa khaati kataagan dagaalada gacan kahadalka ah ee kasocda dhulka Axmaarada, Oromada iyo wadanka Ogadenia oo dagaallo daba dheeraaday ay kasocdaan kuwaas oo dhamaan keenay niyad jabka lasoo darsay kooxta TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay