Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Walo ee dhulka Axmaarada ayaa sheegaya in ay ciidanka wayaanuhu kawadaan dhamaan Gobolka Raaf balaadhan oo ay ugaysanayaan dhalinta deegaanka.

Sida warku sheegayo taliska wayaanaha ayaa doonaya dhalin yaro udhalatay deegaanka oo isaga taabacsan si uu uhelo dad udhaganugul oo uu ka horgeeyo kacdoonka shacabka deegaanka. Dhinaca kale arintan ayaa lagu macneeyay ciidamadii gumaysiga oo aad uyaraaday kadib markay qaar badan oo kamid ah kagoosteen qaarna ay kubaxeen gacanta jabhadaha hubaysan iyo shacabka kacdoonka wada.

Sida aan lawada socono kooxda TPLF ayaa dib ulasoo laabatay dhamaan ciidamadii sida sharci darada ah uga joogay wadanka soomaaliya hase yeeshee ciidankii dib loosoo celiyay ayaa lasheegayaan in si xoog leh ugu biireen kacdoon wadayaasha iyo shacabka hubka qaatay.

Sidoo kale waxaa si caga jiid ah kushaqeeya in yar oo kamid ah ciidamada wayaanaha kuwaas oo siwayn uga biyo diidan waalidiinta iyo ciyaalka lagu xasuuqayo deegaanadii ay kasoo jeedeen.

Sikastaba ha ahaatee waxaa maalinba maalinta kadambaysa siiyaraanaysa rajada laga qabo siijiritaanka kooxda dhiiga shacabka ka ganacsata ee TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay