Gaaris: Shirkii Faraca Barsan ee Jaaliyada Ogadenia oo dhacay +Masuuliyiin ka Qeybgashay.
Waxa magalada Garissa ee xarunta gobalka waqoy bari Kenya ka dhacay Shirki jaalayida somalida ogadeniya, shirkan ooy ka soo qeybgaleen bulshada Qeybaheda kala duwan, Waxa shir gudominnyaha Gudoomiyaha Faraca Barsan ee jaaliyada Ogadenia Mudane Maxamad Baaruud.
Shirka oo lagu furay Wacdii dinii ah oo dhinacyo badan taban hayay kuna sabsana halganka gobanimo doonka ah ee Ogadenia iyo fadliga jihadka, Kadib waxa ma karonka lawa regay Hoganka warfafinta faraca isagoo lawadaagay dadkii shirkaasi ka soo qeybgalay warbixintii u danbeeysay ee Ogadenia iyo mida faraca Barsan.
Dhanka kale shirka waxa martii sharafku aha Masuliyan kala duwan oo kamid jabhada wadaniga xoraynta ogadenia lama heda kala duwan ka kalsoday sida Xoghaya bariga Africa ee Jwxo Iyo masuliyin Golaha dhaxee ka socday ,Xogayaha bariga Africa Mundane Cabdi Farah aya ugu horayn lagu soo dhaweyay makara fonka Wuxuna ka warbixiyay xalada bariga Africa.
Masuuliyiinta Golaha dhaxe ee shirka ka soo qayb galay ayaa iyaguna ka soo jediyay khudbado dhinacyo badan taban haysay Iyago masuliyintu golaha dhaxe Jwxo isoga danbeyay makara fonka Kadib xubnaha aya sualo Waydiyay halganka kusab Masuliyinta, waxayna uga jawaabeen dhaman sualihii xubnuhu waydiiyen Shirkaaa oo ahaa mid qiro Badan kana duwana shirarki hore jaaliyada ayaa kuso dhamaday jawi dagan iyo farxad Xadsane.
ONA garisaa
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.