Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in xabsiga lootaxaabay taliyihii amniga ee Gobolka Axmaarada.

Sida xogtan aan kuhelay taliyahan oo lagu magacaabo Dase Asame ayaa xabsiga lootaxaabay kadib markii xilkii si xushmad la’aan ah looga xayuubiyay isla markaana lagu bahdilay shacabka hortooda.

Warka ayaa intaas kudaraya in taliyaha lagu eedeeyay guul daradii ciidamada wayaanaha ka soogaadhay Gobolka Axmaarada halkaas oo taliska wayaanuhu uu kuwaayay saraakiil iyo ciidan badan oo taageer sanaa taliska wayaanaha.

Taliska guud ee wayaanaha ayaa mudo kooban isku badalay dhor taliye oo uu umagacaabay Gobolka Axmaarada oo mudo sanad kudhaw ay kajirtay qalalaase siyaasadeed. Dhinaca kale jabhadaha hubaysan iyo shacabka beeralayda ah ee xabashida ee hubka qaatay ayaa gacantooda kudilay qaar kamid ah saraakiisha lasoo magacaabay halka qaar kalana ay cabsi badan galiyeen.

Sikastaba ha ahaatee taliska wayaanaha ayaa ku guul daraystay in uu woqooyiga Gobolka Axmaarada xal kagaadho halkaas oo ay arimuhu murugsan yihiin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay