Kulankii 2aad ee ay isugu yimaadaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga doodey arrimo la xidhiidha doorashada Madaxweynaha iyo Afhayeenada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ka dooday lacagta shardi looga dhigayo in musharax kasta uu bixiyo, waxaana ay dood kadib isku raaceen in ay meel mariyaan soo jeedintii Hoggaanka Madasha sare taas oo dhigeysey in musharaxa Madaxweynuhu bixiyo 30.000 USD. Musharixiinta Afhayeenka labada Aqal ayaa iyagana lagu xiray in ay bixiyaan 15.000USD.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale isku raacey in musharax kasta haysto 20 xildhibaan saxiixooda, waxaana Xildhibaan kasta loo oggol yahay in uu ugu badnaan saddex musharax siin karo saxiixiisa.

Kulanka labaad ee Xildhibaanada federaalku isugu yimaadaan ayaa lagu dhaariyey 12 Xildhibaan oo cusub oo aan ka qaybgelin dhaartii hore, waxaana kulankan laga sheegay in Xildhibaanada Aqalka sare kulankooda u horeeya ay yeelanayaan marka la soo dhamaystiro Xildhibaanada Gobolada Wasqooyi.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa ay shaaciyeen xilliga doorashada guddoonka labada aqal iyo tan madaxweynaha ay soo saari doonaan guddiga baarlamaaniga ah ee golaha uu ku dhawaaqi doono.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay