Habeen nimadii xalay oo Axad ahayd waxaa magaalada Riyaad ee wadanka boqortooyada Sucuudiga ka qabsoomay kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Ururka Haweenka Ogadenia ee Sucuudiga.

Kulankan oo ahaa shirwaynihii UHO ee wadanka Sucuudiga ayaa qabsoomay fiidnimadii xalay oo Axad ahayd waxaana kasoo qayb galay inta badan xubnaha Ururka Haweenka Ogadenia iyo gudiga Jaaliyada Riyaad.

Ugu horaynba waxaa kulanka lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah waxaana warbixin baaxad leh kulanka kasoo jeediyay gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Riyaad.

Intaas kadib waxaa kulanka lagu doortay hogaan cusub oo uu yeelan doono Ururka Haweenka Ogadenia UHO ee wadanka Sucuudiga waxaana cod aqlabiyad ah lagu doortay Marwo Ruqiya Bashiir oo kamid ah gabdhaha ugu firfircoon ee Jaaliyada.

Intaas kadib waxaa khudbad diiran madasha kasoo jeedisay Halganto Ruqiya Bashiir waxayna Ruqiya sheegtay in ay hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin halganka xaqa ah ee Ogadenia kasocda.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa kalmado dardaarin iyo dhiiri galin ah madasha kasoo jeediyay qaar kamid ah gudiga Jaaliyada iyo xubno kamid ah gabdhihii kulanka soo xaadiray.

ONA Riyaad.

img_4814 img_4815 img_4816 img_4817

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay