Wrarka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ee gacanta gumaysiga Itoobiya kujira ayaa sheegaya dagaal cadawga khasaare loogu gaystay oo kadhacay duleedka Dagmada Garbo.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in uu dagaalku bilowday kadib markay koox qowlaysatada wayaanaha ka tirsan ay dhibaatooyin ugaysteen shacabka kudhaqan deegaanka Balidhabiile oo katirsan Dagmada Garbo.

Warka ayaa intaas kudaraya in naftood hurayaal katirsan Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia ay sutida uqabteen ciidankii wayaanaha waxaana cadawga goobta laga dilay 5 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale Ciidanka JWXO ayaa furtay hub iyo saanad ciidan oo kale waxaana naftood hurayaasha xoraynta Ogadenia usuura gashay in ay goobta ka eryaan ciidankii wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay