Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kal-fadhigoodi u horeeyey u socdo ayaa magacaabey guddiga qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Baarlamaanka ee dhacaysa maalmaha soo socda.

 Guddiga Baarlamaanku magacaabey ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana loo qaybiyey nidaamka beelaha ee shanta ah. Guddigan ayaa masuul ka noqon doona qabashada codsiyada Musharixiinta soo buuxiyey shuruudaha laga doonayo in ay u tartamaan shir-guddoonka.

Doorashada afhayeenka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo todobaadka soo socda, ma jiraan musharixiin badan oo xilkan isu soo taagtey, doorashada afhayeenka Baarlamaanka ayaa ah mid taaktiko ah taas oo Musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha ka reebi karta tartanka, waxaana kamid ah dadka quud daraynaya Afhayeenkii hore Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddigan ayaa dhexdooda iska dhex dooran doono Guddoomiyaha Guddiga, waxaana intaas kadib ay shaacin doonaan waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka haduu ilaahay yiraahdo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay