Sida uu sheegay Madaxweynaha Faransiiska Francoise Hollande oo la kulmay ciidankiisa ku sugan Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka dhanka ah ururka Dowladda Islaamka (ISIS) ee ay Ciraaq ka wadaan in uu gacan ka gaystay ka hortagidda weerarro argagixiso oo dalkooda ka dhici lahaa.

Mr. Hollande ayaa la filayaa in la dagaallanka ururka isugu yeedhay Dowladda Islaamka uu kala hadlo madaxda dalka Ciraaq. Waa madaxwaynihii ugu magac waynaa ee booqda dalka Ciraaq tan iyo markii ay duqaymaha diyaaradaha dalkaas ka billaabeen xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ee lixdanka dal ka kooban.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay in diyaarahooda ciidanku ay duqeeyeen 1,700 bartilmaameed tan iyo markii ay ku bireen dagaalka ka dhanka ah ururka Dowladda Islaamka. Waxaa gudaha dalka Ciraq haatan ku sugan ilaa 500 oo askeri oo Faransiis ah.

Waxaa la aaminsan yahay in ciidanka gaarka ee Faransiiska ay qeyb ka yihiin dadaalka lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Mosul. Hollande ayaa la filayaa inuu la kulmo Ra’iisalwasaaraha Ciraq Haidar Al-Cabaadi iyo guddoomiyaha baarlamaanka Salim Al-Jaburi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay