Dowlada Raashiya ayaa shaacisay inay dib ulla baxeyso qeyb kamid ah ciidamadii ka joogay dalka Suuriya. Ruushka ayaa lagu wadaa inay dib ulla noqoto Maraakiibta dagaalka ee dhawaan halkaasi u dirtay oo uu ku jiro midka Diyaaradaha xambaara.

Wasaarada gaashaandhiga Raashiya ayaa sheegtay in maraakiibtan ay labadii bilood ee lasoo dhaafay wadeen hawlgalo badan isla markaana ku guuleysteen.

Maraakiibta dagaalka ee Ruushka u diray dalka Suuriya ayaa bishii Oktoober 2016 ka gudbay Kanaalka Britain iyagoo kusii jeeda Bariga Dhexe inkastoo ciidamada hada la sheegay in Ruushka uu kala baxayo Suuriya ay gaadhayaan kun askari ayaa hadana la filayaa in Suuriya ay kusii sugnaadaan ciidamo gaadhaya 6 kun oo Ruush ah, kuwaasi oo gacan siinaya ciidamada Bashar Al Assad.

Go’aankan uu Ruushka dib ulla noqonayo qeyb kamid ah ciidamada ka jooga Suuriya ayaa lagu beegay xili ay socdaan dadaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in xal loogu helo daagaalka sokeeye ee ka socda Suuriya. Xukuumada Ruushka oo xiligan culeys dhaqaale heysto ayaa sidoo kale la filayaa inay go’aankeeda ku xakameenayso dhaqaalaha uga baxaya dagaalka Suuriya.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay