Waxaa dhamaan jaaliyadda S.Ogadenya ee ku nool waddanka Finland la ogeysiinayaa in maalinta ay taariikhdu ay tahay 24.12 oo ah maalin Sabti ah uu ka dhici doono shir weyn magaalada Helsinki. Shirkaasoy isugu imaan doonaan dhamaan xubnaha jaaliyadda.

Waxaa lagu qabanayaa shirka iskuul ku yaalla xaafadda Arabia (waa goobtii horey loogu dhigay filimkii Silent Cry), wuxuuna bilaaban doonaa saacadu markay tahay 2-duhurnimo..
 
Shirkan oo ah mid qiimi weyn u leh halganka shacabka S.Ogadenya ayaa waxaa ka soo qeyb-geli doona masuuliyiin sare oo kamid ah Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (ONLF).

Waxaa shirka looga hadli doonaa arrimo ku saabsan nolosha iyo siyaasadda Geeska Africa gaar ahaan dalka Ogadenya.

Sidaas iyo ka soo qeyb-gal wanaagsan.

Maamulka jaaliyadda Finland.
 
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay