Wararka naga soo gaadhaya waqooyiga Itoobiya gaar ahaan gobolka axmaarada ayaa waxay sheegayaan in dagaalo waawayn oo lagu wiiqay ciidamada hagaaska ah ee gumaysiga Itoobiya ay socdaan dhulka axmaarada kuwaas oo u dhaxeeya shaabka axmaarada iyo ciidanka gumaysiga Itoobiya wararku waxay intaas ku darayaan in la keenay magaalada bahardar ee caasimada gobolka axmaarada dhaawacyo badan oo qaar kood lo gudbiyay dhankaas iyo magaalada Adis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya.

Xukuumada gumaysiga itoobiya ayaa waxay u maaro la dahay sidii ay u damin lahayn qoomiyadaha kala duwan e kasoo horjeeda xukuumada gumaysiga Itoobiya kuwaas oo diidan nidaamkeeda gumaysiga iyo xasuuqa ku dhisan waxaa dagaalo waawayn sidan oo kale uga socda gobolka beneshangul iyo qaybo kamida gobolka oromiya xukuumada wayaanaha ayaa waxay isticmaalaysaa kaarashii ugu danbeeyay oo ah kuwa probagando ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Dhanka kale shacabka Axmaarada ayaa waxay ka siman yihiin in gumaysiga wakhtigiisu dhamaaday dabada la iska raaciyo taasoo laf dhuun gashay ku noqotay kooxda dhiiga shacabka ku naaxday tigrayga waxayna isku dayayaan maalin ba inay colaaad ka dhex abuuraan qoomiyadaha kala duwan ee itoobiya ayadoo rabto inay ku mashquuliso dagaalka sukeeye oo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay