Wararka naga soo gaadhaya gudaha wadanka Ogadeniya gaar ahaan gobolka nogob degmada Salaxaad ayaa waxay sheegayaan in dagaalo ay ka socdaan tuulooyinka lagu magacaabo Qaldhisaa iyo Haragura oo hoos yimaada dagamada Salaxaad ee gobolka nogob.

Dagaalkan ayaa wuxuu kusii fidayaa guud ahaan ba gobolka Baali waxaana ka dambeeya gumaysiga Itoobiya oo raba inuu isku diro shacabka Somalida Ogadeniya iyo Oromada, waxaana dagaalo noocan oo kale ah horay uga dhaceen meelo badan sida Qubi iyo Balbalayti oo horay ay dad shacab ah isugu faro saareen.

Dagaalkan waxaa weerarka qaaday markii ugu horaysay ciidamada gumaysiga Itoobiya ee Hawaarinta loo yaqaano waxayna weerareen shacab Oromo ah oo aan waxba galabsan, waxaana loo gaystay shacabka Oromada xasuuq iyo dhac baahsan oo gumaysiga Itoobiya iyo gacan yareyaashiisu u gaysteeen.

Dhanka kale abaaro ba,an oo ku dhuftay dhulka Ogadeniya bilihii la soo dhaafay waxay sababtay in qaar badan oo kamida shacabka Soomaalida Ogadeniya gaar ahaana xoolo dhaqatada ku dhaqan gobolka Baali ay gudaha u galeen dhulka Oromada ayaga iyo xoolahoodiiba ayagoo u raadsaday dhul-daaqsimeed waxaana aad looga cabsi qabaa inay dhici karaan weeraro aargoosi ah oo loo gaysto dadkaas rayadka ah ee ku sugan gudaha Oromada una raadsaday daaqsinta.

Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa caado u noqotay inay huriyaan xili walba colaado u dhaxeeya beelaha iyo dadyoowga wada dagan. Ma’ahan markii koobaad ee gumaysigu talaabadan oo kale ku dhaqaaqo ee wuxuu sidoo kale uu marar badan damcay inuu isku diro shacabka Axmaarada iyo Oromada taasoo markii danbe uu ku guulaysan waayay.

 

ONA/ Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay