Sida ay warbaahinta caalamku qorayso gadood ciidan oo ka bilaabmay dalka Ivory Coast ayaa ku fiday xarunta ganacsiga ee magaalada Abidjan. Dhawaaqa rasaas dhacaysa ayaa laga maqlay xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada Abidjan.

Warkan ayaa sheegaya in gadoodkani uu saacadihii hore ee Jimcihii ka bilaambay woqooyiga dalka Ivory Coast. Waxaa kale oo la sheegayaa in ay xalay rasaas ridayeen askar gadoodsan oo ku sugan magaalada Bouake, oo ah goobtii uu ka bilawday gadoodku iyo magaalooyinka kale ee Karhogo iyo Man.

Wasiirka gaashaandhigga, Alain-Richard Donwahi, ayaa haatan kula shiraya magaalada Bouake askarta gadooday si uu ugala xaajoodo waxa ay dalbanayaan. Dowladdu waxay sheegtay in kacdoonkan askartu ka dhashay gunooyin aan la bixin oo dib uga dhacay askarta, hase yeeshee askartan gadoodday ilaa haatan iyagu may shaacinin waxyaabaha ay dalbanayaan waxa ay yihiin.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay