Eskilstuna -Sweden

06-08 January 2017

Jaaliyadaha Ogadenya ee wadamada  Denmark, Sweden, Norway,  Germany, Finland  iyo  Switzerland iyagoo ka duulaya Amarkii gudiga fulinta ee JWXO qabashada shirar wadatashi oo ay jaaliyaduhu ku soo gudbiyaan talooyinkooda ku aadan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha  halganka hortaagan. Xubnaha ayaa shir wadatashi ku yeesheen wadanka Sweden intii u dhaxaysay 06-08 January 2017.    Mudadaas seddexda maalmood ah waxay masuuliyintii shirka fadhiday ku gorfeeyeen Qoyashayaashayaal farabadan oo ku wajahan fulinta hawlaha halganka ee ay hawlwadeenka ku hawlayihiin falanqayn dheer kadib waxay  masuuliyinta jaaliyaduhu soo jeediyeen talooyinkan wax ku ool ah.

Shirakaas oo socday muddo sadex maalmood ah ku qabsoomay magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden,shirkaas oo qayb ka ahaa shirar wadatashi oo ay yeelanayeen jaaliyadaha Ogadenya ee caalamka ayaa waxaa ku baaqay  hogaaminta ururka,waxaana lagu lafagurayay marxaladaha xasaasiga ah ee geeska afrika ka aloosan, iyo sidii looga tashan lahaa xaalada uu marayo halganka Ogadenya ee ay hurmuudka ka tahay JWXO.

Shirkan waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sarsare oo ka mid ah hogaaminta ururka oo uu hogaaminayay Lataliyaha Gudoomiya JWXO Gen.Cabdullaahi Mukhtaar iyo xubno katirsan G/F & G/Dhexe ee JWXO.

Muddada uu wadatashigu socday ayay xubnuhu aad uga doodeen marxalada lamarayo,waxayna isla jeexjeexeen in isbadal istiraatiiji ku soo kordhay geeska afrika,sidaa awgeedna halgankii Ogadenya u baahan yahay in laga taliyo sidii uu ula jaanqaadi lahaa isbadaladaas iyo xaalad kasta oo gobolka ku soo korodha.

Madaxdii Shirka wadatashi joogtay ayaa sidoo kale xubnaha usoo gudbiyey halka uu xaal marayo,iyagoo hoga tusaaleeyey xubnihii jaaliyadaha si ay uga duulaan goobo xog ogaalnimo kuna dhisaan talooyinkooda halka uu xaal marayo .

Go`aamadii shirka ka soo baxay waxaa loo gudbiyey meeshii iyo cidii ay khusaysay.

Shirku wuxu ku dhamaaday guul , is af garad iyo in dar darcusub la galyo hawlaha halganka ee kala duwan.

Midnimo, Mintid , Isku Tashi, Guul ; Allahu Akbar!!

 

img_1287

img_4931img_2423 img_2424 img_2427 img_2430img_4912

 

img_4913img_4915img_4918

img_4916 img_4917  img_4919 img_4920 img_4921

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay