Ilaahay SW wuxuu uga digay muslimiinta inay u hiiliyaan kuwa dulmiga wada taasoo hadday sameeyaan uu Ilaahay u sheegay inay taaban doonto cadaabkiisa oo aanay heli doonin gargaarka Eebe.

قال تعالى ( وَلاَ تَرْكَنُواْ إِلَى الَّذِينَ ظَلَمُواْ فَتَمَسَّكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ اللّهِ مِنْ أَوْلِيَاء ثُمَّ لاَ تُنصَرُونَ)

Culumada sharxa (mufasiriin) Quraanka markay aayadan sharxayaan waxay si loo fahmo tusaale ahaan u soo qaataan sheeko dhex martay Imaam Axmad Bin Xanbal waagii loo xidhay fitnadii ahayd quraanka waa la abuuray iyo midkii waardiyaha ka ahaa xabsigii uu ku xidhnaa imaamka. Waardiyahii ayaa imaamka wuxuu weydiiyay axaadiithta ku soo aroortay kuwa taageera daalimiinta. Imaamka ayaa ku jawaabay waa saxiix oo way sugan yihiin axaadiithtaa. Markaasuu ku yidhi aniga kuwaa daalimiinta taageera miyaan ka mid ahay. Imaamkii ayaa ugu jawaabay; maya! adigu kuwaa la timaamay ma tidhid. Kuwa daalimiinta taageera ee la sheegayo waa kuwa dharkaaga tolaya, ee raashinka kuu soo kariya ee sidaa iyo sidaa kuu sameeya. Adigase waxaad ka mid tahay daalimiinta la shaagayo.

يروى عن الامام الإمام أحمد بن حنبل، حينما كان مسجوناً في محنة (خلق القرآن) سأله السجان عن الأحاديث التي وردت في أعوان الظلمة، فقال له: الأحاديث صحيحة، فقال له: هل أنا من أعوان الظلمة؟ فقال له: لا، لست من أعوان الظلمة، إنما أعوان الظلمة من يخيطوا لك ثوبك، من يطهو لك طعامك، من يساعدك في كذا، أما أنت فمن الظلمة أنفسهم .

Waxaa kaloo ka mid ah sheekooyinka ay soo qaataan mufasiriinta ee la xidhiidha mawduucan inuu nin dawaarle ah u yimid imam Sufyaan Al-thowri oo uu ku yidhi, waxaan Suldaanka u tolaa dharka ee kuwa la sheegay inay taageeraan daalimiinta miyaan ka mid ahay. Wuxuu ugu jawaabay; adigaaba daalimiinta ah ee kuwa taageera daalimiinta waa dadka kaa iibinaya dunta iyo irbada.

وروي أيضا انه جاء خياط إلى سفيان الثوري فقال: إني رجل أخيط ثياب السلطان، هل أنا من أعوان الظلمة ؟ فقال سفيان: بل أنت من الظلمة أنفسهم، ولكن أعوان الظلمة من يبيع منك الإبرة والخيوط ..!!  

Waxaan filayaa inay hadda kuu kala cadahay akhristow qofka uu Quraanka ku tilmaamay daalimka iyo midka u hiiliya daalimka.

Hadaan hoos ahaan u fiirino dalkeena oon isweydiino yaa ah daalim yaase ah midka ku taageeraya dulmiga, anagoo qaacidadaa ay culumada tilmaameen raacayna, si qof walba isagoo ogsoon wuxuu yahay uu ugu badheedho oo aanu ugu warwareegin wax aan jirin oo Ilaahay iyo umadiisa toona aan ka socon karin.

Yuu shaki kaga jiraa inay daalimiin yihiin ciidamada Itobiya ee dalkeena xooga ku haysata. Laga soo bilaabo waagii uu Minilik qabsaday Harar oo sida ku qoran kutubta taariikhda uu ku laayay tobonaanka kun oo muslimiinta ahaa magaalada ilaa maanta oon marayno qarnigii 21aad, imisa kun oo Somali ah ayay Itobiya laysay? Maxaa lagu tilmaami karaa dagaalkii u soo dheceeyay gumaysiga Itobiya iyo umadda muslimka ah ee Somaliyeed 2dii qarni ee la soo dhaafay? Miyaanay Itobiya ahayn midda waligeed ku soo duulaysay shacabka Somlaiyeed oo adoonsanaysay oo diintooda iyo karaamadooda meel kadahaca joogtada ah ku haysay. Maxay ku kala duwan yihiin Minilik iyo Meles aan ka ahayn inuu Meles kaga dhiiran yahay laynta iyo sharafdilka shaqsiga Somaliga ah ama muslimka ah? waxaan filayaa in aanay laba isku khilaafaynin jawaabaha su’aalahaa.

 Hadaba Cabdi iley muxuu noqn karaa oon ku tilmaamaanaa? Ma daalimka qudhiisaa mase waa midka taageeray daalimka Meles? Kor ugu noqo tilmaamaha ay culumada ka bixiyeen labadaa.

Ka dibna, muxuu noqonayaa qofka uu Cabdi iley siiyay biladda iyo koobka uu yidhi waa koobkii nabadda?

Maxayse noqonayaan kuwa ku taageeray gumaysiga Itobiya dilka iyo kufsiga iyo adoonsiga shacabka muslimka ah ee Somalida Ogadenya? Ama ka aamusay ee aan ka hadlin dhibaatada iyo khiyaanada ay ogyihiin?

Kuwaasoo waliba marwalba soo istaaga minbarkii Rasuulka CS oo leh waxaan Ilaahay iyo rasuulkiisa CS sidan ayay yidhaahdeen. Miyaanay kuwaasi ka cabsanaynin xadiithkii rasuulka CS uu ku sheegay in kuwa cadaabka loo horgalinayo uu ka mid yahay nin caalim ah oo niyadiisa ay ahayd ku shaqayso un diinta oo halagaa sheego?

 Jawaabaha su’aalahaa waxaan u daynaynaa akhristaha iyo culumada ku fitnowday halkaa.

 

Qore: Miskiin Ilaahay ood kala soo xidhiidhi karto cinwaankan

heersare@yahoo.com

Eeg dulmiga lagu hayo shacabka

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay