Maalinimadii maanta oo Isniin ahayd taariikhduna kubeegnayd 09/01/17 waxaa xerada Qoxootiga Xagardheer ee deegaanka Faafi lagusoo gabagabeeyay ciyaaro mudo soo socday oo uu soo qabanqaabiyay ururka OYSU.

Ciyaarahan oo loo qabtay kooxo Aad utiro badan oo kamid ah kooxaha waawayn ee kaciyaara Xagardheere ayaa ahaa kuwo aad uxamaasad badan oo ay aad uladhaceen dhamaan bulshada iyo dhalinyarada xiisaysa ciyaaraha kubada cagta sababta ciyaarahan looqabtay ayaa ah mid muhiimad wayn uleh dhamaan bulshada soomaaliyeed ee kudhaqan xerada xagardheer iyo waliba ururka OYSU oo asagu ah midka qabtay ciyaarahan.

Gabagabadii xilli ciyaareedka galabta waxaa ciyaaray labadii kooxood ee isugu soo hadhay ciyaarahii isreebreebka.ahaa ee maanta finalka ahaa waxaana lagudoonsiiyay kooxdii guulaysatay oo guusha kuhanatay 1-2 laguna magacaabo City Stars koobkii lootartamayay oo uu ururka OYSU dhigay.

ciyaartan xiisaha badan waxaa kasoo qayb galay wufuud kaladuwan oo ay uguhoreeyaan masuuliyiinta OYSU ee woqooyibari kenya sida GARISSA,XAGARDHERE,IFO IYO DHAGAXLEY iyo waliba gudida ciyaaraha XAGARDHERE Hay,ado kala duwan iyo waliba warbaahinta qaybaheeda kala duwan .

ONA DADAAB.

img_4934 img_4935 img_4938 img_4940 img_4941 img_4942 img_4943 img_4944 img_4945 img_4946

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.