Madaxda Wadamada Galbeedka Afrika ayaa ku kulmaya magaalada Abuja ee caasimadda wadanka Nigeria iyaga oo kawada xaajoonaya siddii ay xal ugu heli lahaayeen siyaasada murugsan ee ka taagan dalka Gaambia. Madaxweynaha Nigeria ayaa gudoominaya kulankan.

Madaxweyne Yahya Jammeh ayaa diidey in uu xafiiska baneeyo kadib markii doorashada laga guuleystey bishii aynu soo dhaafney ee December, 2016 kii. Axadii ayey dowladu xidhay idaacadii 4aad. Shaqaalaha Paradise FM oo ka mid ah idaacadaha ugu caansan wadanka ayaa sheegey in ay booliisku amreen in ay joojiyaan shaqada iyaga oo aan loo sheegin sababta.

Mr Jammeh ayaa markii hore ogolaaday in doorashada looga guuleystay, laakiin dib ayuu maskaxdiisa ka badalay. Wuxuu tagay maxkmadda ugu sarreysa dalkaasi isagoo diidan natiijadii doorashadii dhacday 1-da bishii December, 2016.

Waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in xaakimyada maxkamadda wadanka Gambia aysanba dhageysan doonin dacwadaasi oo lagu waday inay billaabato maanta oo talaado ah. Waxaa wadanka hadheeyay xiisad aad looga cabsi qabo inay fawdo iyo xasilooni darri badan u horseedo dalka Gambia.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay