Wararka naga soo gaadhaya gobolka Axmaarada ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay toogasho badheedh ah ku dilaan dhalin yarada ay uga shakiyaan inay qayb ka yihiin kacdoonka gumaysiga Itoobiya lagaga soo hor jeedo waxaa shalay lagu toogtay tulooyinka lagu magacaabo Dabat iyo Ziba oo hoos taga magaalada xuduuda ah ee Matama 3 dhalin yaro ah halka qaar badana ay afduubeen xukuumada dhiig yacabka ah ee Tplf.

Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sidoo kale waxay bilaabeen inay inay ciidamadooda soo dhoobaan goobaha lagu ciyaaro kubada iskoolada iyo goobaha ay bulshadu isugu timaada ayagoo ka cabsi qaba inay isu badalaan goobahaasi kacdoon xukunta Tplf lagaga soo hor jeedo sidoo kale ciidanka wayaanaha ayaa waxay cabsi galin xoogleh ku hayaan dadka rayadka ah ayagoo shacabka iyo dhalin yarada ku dhex garaacaya suuqa si ay baqdin iyo cabsi u galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xaalada gumaysiga Itoobiya ee  gobolka Axmaarada ayaa gacanta kasii baxaysa waxaana ciidanka wayaanuhu faarujiyeen qaybo kamida tuulooyinka ka ku xeeran magaalada Gonder ayagoo isugu soo biyo shubtay dhamaantood gudaha magaalada Gonder si ay culayska u saaraan magaalada waxaana laga dareemayaa guuda ahaan gobolka dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoog badan.

Dhinaca kale jabhada ka dagaalanta gobolka Axmaarada ee Ginbot 7 ayaa waxay dagaalo la gashay xukuumada gumaysiga Itoobiya waxaana goobaha qaar looga awood sheegtay ciidanka daalan ee gumaysiga Itoobiya.

wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA.

img-20170109-wa0003 img-20170109-wa0002

 

fb_img_1483892840302   fb_img_1483892831943

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.