Dulmiga Iyo Cadaalad Darada Dunida Ka Jira Oo Xargaha Goostey.
======================================================
Caalamka wuxuu dhafoorada la haystaa cadaalad darada hareysay iyo dulimga lagu hayo malaayiinta qof oo iyagoon waxba galabsan loo laynayo ama loo jir dilayo aargoosi aanay shaqa ku lahayn waxaana aad u sii niyad jabiyay markii ay arkeen dawladihii reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, oo waayadii hore is hortaagi jiray (ujeeda kasta haka lahaadeene) xad-gudubyada xuquuqul insaanka oo qaarkood ay dhex fadhiyaan dhiiqada gabood-falka lagu hayo xuquuqda aadanaha.

Sidaan la socono, dawladda Mareykanka ayaa hormuud u ahayd (ama isaga dhigi jirtay) ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, gaar ahaan intii ka dambaysay markuu Madaxweynihii hore ee Mareykanka Mr. Jimmy Carter saldhig uga dhigay siyaasada arimaha dibadda ee Mareykanka ilaalinta xuquuqda aadanaha. Hasa ahaatee dhacdada ku caan baxday 9-11 iyo dagaalkuu Mareykanka ku qaaday Dalalka Afganistan iyo Ciraaq, wixii ka dambeeyay arimaha Xuquuqul Insaanka Caalamka wuxuu galay mugdi.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter ayaa markii ugu horeysay khudbad uu ka akhriyay jaamacadda Notre Dame intuu xukunka hayey ayaa wuxuu ku sheegay in Xuquuqda Aadanaha ay noqon doonto asaaska siyaasadda arimaha dibadda ee dawladiisa, wuxuuna cadeeyay in xiriirka ay Mareykanka la yeelanayaan dawladaha caalamka uu asaaskiisu ahaan doono sida ay dawladaasi u ixtiraamto xuquuqda aadanaha.

Wuxuu joojiyay indha ka-waabintii Mareykanka dawladaha la saaxiibka ah ee ku tumanayay xuquuqda aadanaha, wuxuuna si adag ula xisaabtamay xukuumadihii Koonfur Kuuriya, Iran, Argentina, Koonfur Afrika, iyo Rhodesia (Zimbabwe). Wuxuu joojiyay xiligaa Madaxweyne Carter 30 sanadood oo dawladda Mareykanka ay taageeri jirtay xukuumadahii kali-taliska ahaa ee Koonfurta Amerika, gaar ahaan xukuumadii dhiigyacabka ahayd ee Somoza ee dalka Nikragua (Nicaragua). Wuxuu sheegay in hadda wixii ka dambeeya loo adeegsan doono awooda dhaqaale iyo midda ciidan ee Mareykanka sidii loo horumarin lahaa xuquuqda aadanaha.

Laga bilaabo sannadkii 1977-kii waxay Wasaarada Arimaha Dibadda Mareykanka bilowday in ay soo saarto Warbixin Sanadle ah (Annual Human Rights Report), oo lagu soo koobo sida ay dawladaha caalamka wax uga qabteen sanadkaa xuquuqda aadanaha. Wuxuu ahaa warbixin aad loo daneeyo oo xukuumadaha ay ka dadaalaan in aan lagaga hadlin ama ka dhiidhiyaan hadii lagu sheego inay xadgudub u gaysteen shacabka ama siyaasiyiinta dalkaa.

Hadaba Maxaa ku xigay?

Qaraxii ka dhacay Mareykanka sannadki 2001 iyo doorashadii Madaxweyne George W. Bush, ayaa wuxuu dib ugu celiyay Mareykanka meel aad uga sii hooseysa meesha ay ka taagnayd difaaca Xuquuqda Aadanaha sannadkii 1977-kii waxaana markii sannadkii 2001 la qarxiyay daarihii dhaadheeraa ee Mataanaha ahaa Magaalada New York uu Madaxweyen Bush u sheegay caalamka in xiriirka ka dhaxayn doona Mareykanka iyo dawladaha caalamka uu asaaskiisu noqon doono la dagaalanka argagixisada.

Isagoo arintaa sii sharxaya ayuu waxuu yiri; “Waa in ay xukuumadaha caalamka ogaadaan, in lagu qiimayn doono xiriirka aan yeelanyno siday ula dagaalamaan argagixisada”. Wuxuu intaa raciyay isagoo sii cadeynaya; Ama anaga ayaad nala jirtaan ama waad naga jirtaan la dagaalanka argagixisada .. “You’re either with us or against us in the fight against terror.” Laga bilaabo taariikhdaa waxaa caalamka hareeyay aabayeel la’aanta xuquuqul insaanka iyo in dawladihii caalamka ay ku tuntaan xuquuqda aadanaha oo aan lagu eedeynin. Wuxuu caalamkii la mid noqday gabay uu tiriyay ninkii Carabta ahaa ee yiri; Haduu odayga reerka aad u jecelyahay garaaca durbaanka, waxaa la gudboon xaaska iyo caruurtiisa in ay si fiican u cayaaraan:

Sideedii sano ee Madaxweyne George Bush uu xukunka Mareykan haystay waxaa ka dhacay caalamka foolxumo farabadan iyo xadgudub ay ciidamada Mareykanka iyo sirdoonkooda ka sameeyeen meela kala duwan oo caalamka ah. Waxaa intaa dheer inay dawladaha qaarkood ka kireysteen xabsiyo qarsoon oo dadka ay soo qabtaan lagu jir dilo si looga hadalsiiyo iyagoo loo ciqaabayo siyaabo aanu ogolayn sharciga Mareykanka.

Marka aan eegno dalka Ciraaq laba fal oo ciidamada Mareykanka ay ku dhaqaaqeen ayaa noqday waxaan horey uga dhicin dawlad weyn oo sheegata sareynta sharciga. Nin Mareykan ah oo madax ka ah haya’ad u dooda dhalinyarada ku xareysan xabsiga Guantanamo ayaa yiri; Waxaan ku ogaanay baaritaan aan samaynay in dad badan oo dunida ku nool ay u arkaan xabsiga Guantanamo inuu ku noqotay taariikhda Mareykanka bar madow, waana meesha uu farta ku fiiqayo dalkasta oo lagu dhaleeceeyo inuu gaystay xad-gudub xuquuqul insaanka ah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

Qalinkii: Noora Afgaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.