Wakaaladaha Wararka ee dalka Tanzania ayaa sheegaya in Afartan qof ay ku dhimatay doon ku degtay xeebaha talka tanzania. Doontan ayaa ka baxday magaaladda Dekada ah ee Tanga. Waxayna ku socotay Pembe oo ka tirsan jaziirada Zanjibar ee dalxiiska loo tago.

Sida uu warkan sheegayo shilkan ayaa dhacay habeenimadii Isniinta ahayd. Masuul sare oo u hadlay booliska dalka Tanzania, Benedict Wakulyamba, ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ilaa iyo 50 qof.

Mr. Wakulyamba waxuu intaasi raaciyay in sagaal qof ay ka badbaadeen shilkan naxdinta badan, maydad gaadhaya 12 qof ayaa la helay tan iyo wakhtigan xaadirka ah oo gurmadka iyo baadi/goobka in lahelo dad ka samatabaxay shilkan uu wali ka socdo meelihii ay doontu ku degtay.

Waxaan wali lagaranaynin sababta dhabta ah ee shilkan keentay, balse booliska ayaa sheegaya inay jireen dabaylo xooggan doontana ay lumisay miisaanka iyo dheelitirnaanta ay u baahnayd ee lagama maarmaanka ahayd.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.