Wadanka Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha uga yimid sirdoonka dalka Mareykanka ee ku saabsanaa inay farogelin ku sameeyeen doorashadii madaxtinimada ee dalka Mareykanka ka dhacday taasoo uu ku guuleystay Donald Trump.

Waaxaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey u sheegay in madaxda sare ee Ruushka ay amreen in la jabsado kombiyuutarada xisbiga dimuqraadiga ah ee Maraykanka, kadibna la faafiyo sirtooda intii uu socday ololaha doorashada Mareykanka. Waxa ay sidoo kale sheegeen in Ruushka ay doonayeen in Donald Trump u ku guuleysto doorashada.

Dmitry Peskov oo ah afhayeenka madaxweyne Vladimir Putin ayaa eedeymaha kaga yimid dhinaca Mareykanka ku tilmaamay “kuwo aanan sal iyo raad laheyn oo ay si caadifad leh u diyaarisay hey’ad heer sare ah”.

Hadalkan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee kasoo baxa aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka loo yaqaano, tan iyo markii ay madaxda sirdoonka Mareykanka Jimcihi lasoo dhaafay sheegeen in ay si weyn ugu kalsoon yihiin in madaxweynaha Ruushka uu shakhsiyan isaga amray in la farageliyo doorashadi madaxtinimo ee dhamaadkii sanadkii hore 2016 ka dhacday dalkan Mareykanka.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.