Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay wiil shacab ah ku dileen magaalada wardheer ee gobolka doolo. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa alla ha u naxariistee Xassan Cabdi.

Marxuum Xasan ayaa Waxay ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku dileen badhtamaha suuqa magaalada, waxayna u diideen in maydkiisa la aaso, waxaana ladhigay suuqa magaalada wardheer.

Ciidamada bahal ka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa caado u ah xasuuqa iyo mooraduuga lagu hayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin.

Ma’ahan markii ugu horaysay ee talaabo noocan oo kale ah ay qaadaan ciidamada arlaawayaasha ah ee gumaysiga Itoobiya waxaana ilaahay uga baryaynaa marxuumka inuu janadii firdawsa ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA haduu ilaahay yiraahdo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.