War hada naga soo gaadhaya magaalada Gonder ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ay xiisad xun magaalada Gonder kataagantahay shalay ilaa xalay.

Warka ayaa intaas kudaraya in goob saraakiisha wayaanuhu ay ku caweeyaan oo maqaaxi tumasho ah laqarxiyay halkaas oo lasheegayo in ay saraakiil badan ku halaagsameen.

Goob jooge magaalada Gonder kusugan ayaa sheegaya in magaaxida laqarxiyay oo ahayd xarun ay saraashiisha wayaanuhu isugu yimaadaan ay gabi ahaanba baaba’day in badan oo saraakiishii goonta kucawaynaysay ahna ay ku dhinteen.

Goob joogahan ayaa sheegaya in mudo yar kadib ay goobta yimaadeen ciidamada wayaanuhu halkaas oo ay bilaabeen rasaas aan lookala meel dayaynin haas oo laga yaabo in ay galaafato nolosha dad badan oo shacab ah.

Inkasta oo rasaasta laga maqlayay daafaha magaalada Gondar hadana majiro khasaare rasmi ah oo ilaa iyo hada lasoo tabiyay waxaase lafilayaa in uu jiro khasaare aad ubadan oo dhinaca ciidamada iyo shacabkaba ah.

Majiro cid ilaa iyo hada sheegatay in ay ka dambeeyeen qaraxa magaalada Gonder ka dhacay hase yeeshee waxaa guud ahaan Gobolka kajira dagaal daba dheeraaday oo u dhaxeeya shacabka Axmaarada iyo ciidamada wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.