War rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa sheegaya in uu saraakiisha Wayaanaha shir uga socdo magaalada Jigjiga ee wadanka Ogadenia.

Shirkan oo todobaadkan ka socday Magaalada Jigjiga ayaa lasheegayaa in taliska wayaanuhu uu uga gol lahaa in uu kuyareeyo sirta xukuumada oo si sahlan ugaadha ururada mucaaradka ah iyo shacabka.

Arintan ayaa lagu macneeyay geela wadhaf malagudayay balse waxaa xaqiiqo ah in ay sirtu baxayso meelkasta oo ay shirka geeyaanba sababtoo ah waxaa shirka fadhiya saraakiishii awalba sirta bixinaysay.

Shirkan fool halowga ah ee Jigjiga laga soo tuuray oo wax micna leh uusan kasoo bixin ayaa lagaga hadlay arimo dhowr ah oo kuwii awalba laga hadli jiray ayaa waxaana kamid ahaa wixii laga hadlay.

In la ilaaliyo sirta xukuumada taas oo ay kusheegeen hadii aan laxakamaynin in wax howl ah oo kala soconaysa aysan jirin isla markaana wax kasta fashil ku dhamaan doono.

In xuquuqda ciidamada la ilaaliyo si looyareeyo baxsadka ciidamada isla markaana wax laga qabto mushaar iyo daryeel la’aanta ciidamada mudada dheer haysata.

In xoog lagu xakameeyo kacdoonada shacabka ee mudada sanadka iyo badhka ah socda taas oo lagu macneeyay in aysan guul kasoo dheelmi doonin.

Dhinaca kale waxaa intii uu shirkan socday lasoo diiwaan galiyay in 400 oo shaalaqe ay goosteen halka ciidanka caadiga ahna uu aad ubadan yahay waxaana laxaqiijiyay in ciidamadan intooda badan ay ugaleen jabhadaha hubaysan.

Sikastaba ha ahaatee shirka magaalada Jigjiga kasocda ayaan waxba kaduwanayn shirarkii hore ee fashilkakudhamaan jiray waxaana xusid mudan saraakiishii iska soo horjeeday ee shirka fashilin jirtay in ay hadana fadhiyaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.