Waxaa goor dhawayd lagu dhawaaqay natiijada doorasho aad u adag oo maanta ka dhacdey hoolka shirarka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ama hadda loogu yeedho Aqalka Hoose ee Golaha Xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed.

Doorashadan oo ay ku tartamayeen afar xildhibaan ayaa Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan jawaari mar kale loo doortey xilka waxaana uu ka guuleystey Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo doorasho adag la galay. 

Inkasta oo wali aan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada kama dambaysta ah ee doorashada hadana waxay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Wakaalada wararka Ogadenya ee ONA in Pro. Jawaari uu helay 140 cod, meesha uu ka helay musharaxii tartanka adag lagalay oo ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Xidig 96 cod.

 

Kala soco faah faahinta warkan iyo wararka kale ee ku saabsan Geeska Africa ONA.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.