Magaalada Gaarissa ee Caasimada Gobolka Waqooyi-bari kenya ayaa saldig u noqotay boqolaal dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Ogaadeeniya kuwaas oo xiliyo kala duwan ka yimid wadankoodii hooyo,isla markaan ka faa’iidaystay fursada ay heleen xaga nabada galiyada oo qaar kamid ah dhalinyarada ay wadaan waxbarashadooda ilaa heer jaamacada inta badana ay wax ka dhigtaan Iskuulaadka Gaarissa.

Hadaba Midawga Ururka dhalinyarada iyo ardayed Ogaadeeniya (OYSU) ee magaalada Gaarissa oo abaabul iyo dhiirigalin kawaday mudooyinkan halkaas si ay qadiyada Ogaadeeniya iyo taariikhda halganka gobanimo doonka ah ee Ogaadeeniya ka socoda ooga dhaadhiciyaan dhalinta Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa maanta gabogabo oga dhigay hawlihii isbuucyadan u socoday ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay Kooxda xidigaha midnimo oo ah koox ay leeyihiin dhalinta  OYSU Gaarissa iyo kooxda kale ee Leeds oo magaalad Gaaris aad looga yaqaano. Ciyaartan saaxiibtinimo ee maanta ayaa guusha raacaday kooxda Midnimo ee xidigaha OYSU Gaarissa, iyadoo ciyaatani ay ahayed midii oogu horeysay ee ay u saftaan koox dhalinyaro magaca Soomaalida Ogaadeeniya wadata garoomada magaalada Gaarissa.

Ciyaataas kadib ayaa dadweynihii daawanayey iyo dhalinyaradii garoonku isla dhexqaadeen in ay iswaydiiyaan Magaca OYSU iyo astaanta ururka ayna horey u aqoonin waxaase goob joog ahaa mas’uliyiinta ururka OYSU Gaarissa oo qeexid fiican ka siiyey su’aalaha ay iska waydiinayeen OYSU, iyo astaanta ay caleemuhu ku gadaamanyihiin. Xoghayaha Ururka Mudane Cabdinaasir oo su’aalaha dhalinta ooga jawaabayey ayaa yidhi; “Waa urur dhalinyaro oo aduunka oo dhan ka ku leh laamo ka shaqeeya Ujeedada iyo himilada ururka waxayna himiladanadu tahay in la helo Ogaadeeniya oo xor ah oo Soomaalida degtana ku maashushaan nidaam ku saleysan diintooda dhaqankoda iyo kolba sidii datoodu ku jirto”

Sidoo kalena wuxuu Xoghayuhu ka hadley in ay dhalinta Ogaadeeniya jecelyihiin walaaltinimada guud ahaan umada Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya iska leh, dhalinta Ogaadeeniya waa kuwo ay ka go’antahay raadinta xornimo ay ku noolaadaan shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadeeniya.

Waxaa halkaas ku kala tagay dhalinyaradii oo ku wada faraxsan munaasaba sida ay u dhacday ee wanaagsan waxay ku balameen kulamo kale oo ay isugu yimaadaan kana wada shaqeeyaan wixii dantu oogu wada jirto,Magaalada Gaarissa ayaa horey loogu xidh xidhay dhalinyaro ka soo jeeda Ogaadeeniya kuwaas oo intooda badan la siidaayey iyada oo aan wax danbi ah loo haysanin balse qaarkood loo qabqabatay arrin la xidhiidha xaga sharciyada ay ku jiraan.

Xikam/ONA-Garissa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay