Wararka naga soo gaadhaya magaalada Juba ee caasimada wadanka Koonfurta Sudanayaa sheegaya in guulo laga gaadhay kulan udhaxeeyay madaxda wadanka Masar iyo Koonfurta Sudan.

Sida xogta aan kuhelayno madaxwaynaha Masar Cabdifataax Al-sisi ayaa marti qaad rasmi ah ufidiyay dhigiisa wadanka South Sudan Selva Kiir waxaana kulanka lagu sheegay mid lagu xoojinayo xidhiidhka labada wadan ee Masar iyo S.sudan.

Warka ayaa intaas kudaraya in xukuumada kalitaliska ah ee wayaanuhu ay wal wal kaqaadeen kulanka dhex maray labada madaxwayne ee Masar iyo South Sudan kuwaas oo sida muuqada aad uxoojiyay xidhiidhka labadooda wadan.

Kooxda TPLF ee xooga kuhaysata talada wadanka Itoobiya ayaa aaminsan in cadaw ay kutahay dowlada masar isla markaana saamayn kasta oo Masar ay kuyeelato Gobolka Geeska Africa uuyahay mid dhaawacaya jiritaanka wadanka Itoobiya.

Taliska wayaanaha ayaa aaminsan in wadanka Masar oo ah wadan Itoobiya katiro iyo tayo badan uu abuurayo qalalaase siyaasadeed oo wadanka Itoobiya kuhabsada waxayna xukuumadu aamintay in dowladaha dariska la ah Itoobiya ay galeen gacanta wadanka Masar.

Madaxwaynaha wadanka Masar ayaa kulamo layeeshay madaxda wadamada Eritrea iyo Djabuti wuxuuna madaxwaynuhu kala hadlay xidhiidhka wadanka Masar iyo wadamada Gobolka Geeska Africa.

Sidoo kale xoghayaha arimaha dibada ee Maraykanka oo Nairobi kula kulmay wadamada IGAD ayaan shirkaas kumarti qaadin taas oo kutusinaysa sumcad xumada wadanka Itoobiya iyo in ay dhulka taalo saamayntii Itoobiya ee Bariga Africa.

Dhinaca kale madaxda wadanka Masar ayaa sheegay in ayna Ogaynba wax dhib ah oo ka dhaxeeya iyaga iyo Itoobiya isla markaana aysan wax qalalaase ah ku kicinaynin xukuumada wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay