Sidii la filayay ayay maxkamad ku sheegtii la soo taagay labada wariye ee u dhashay dalka Sweden waxay ku xukntay inay galeen dambiyada ah inay taageeereen jabhadda ONLF oo laga mamnuucay Itobiya iyo siday yihdaahdeen dalka oy ku soo galeen sharcidarro.

Sida ay soo warisay Reuters, labada wariye Martin Schibbye iyo Johan Persson oo laga qabtay xadka u dhexeeya Ogadenya iyo Punland iyagoo la socda dagaalyahanka ONLF ayaa todobaadka soo socda lagu dhawaaqi doonaa xukunka lagu riday. Waxaana la filayaa inta u dhexeysa 18-20 sano in lagu xukumo.   

Wariyayaasha caalamka ayaa arintan aad uga xanaaqsan, waxayna ku tilmaameen hadafka Itobiya inuu yahay in galitaanka dalkaa laga cararo oo aanay saxaafadda ka soo waramin xadgudubka baahsan ee ka socda Ogadenya. Saxaafiyiinta dalka Sweden oo aad uga hadlay arimaha loo haysto saaxiibadood ayaa ka cadhaysan Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Sweden Karl Bildt oo sidii la rabay aan ugu gurman labada saxafi iyagoo ku tilmaamay inay salka ku hayso arintaasi shirkadda shidaalka baadha ee Lundin oo Karl Bildt uu ka ahaa xubin madaxda ugu sareysa shirkadaa.

Arintan ayaa waxay caalamka u sii xaqiijinaysaa xadgudubka ka jira Ogadenya iyo in aanay Itobiya ogolayn in saxaafadda caalamka ay ka soo waramaan Ogadenya. Arintan ayaa marag ma doonto ka dhigaysa dambiyada ay Itobiya ka gashay shacabka Somaliyeed ee Ogadenya.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Ahmed says:

    Mr. Martin Schibbye and Johan Persson, you were not alone in the TPLF regime’s Kangaroo court; the Ogaden people and all freedom loving people went with you and will stay with you in their prayers until justice is served.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay