Dalalka Galbeedka Afrika ayaa ilaa iyo maanta Arbacada u qabtay Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh inuu xilka ku wareejiyo ninkii uga guuleystay Doorashadii dalka ka dhacday bishii lasoo dhaafay, Adama Barrow.

Jammeh ayaa sidoo kale ku guuldareystay codsi uu u gudbiyey maxkamada Sare ee wadankaasi oo uu ka codsaday in la hakiyo dhaarinta Madaxweynaha cusub oo la qorsheeyey inay dhacdo isla maanta, ninka ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Adama Barrow ayaa hada ku sugan dalka Senegal.

Urur gobaleedka Galbeedka Afrika ayaa sheegay inay talaabo military ka qaadi doonaan Madaxweyne Yahya Jammeh hadii wakhtigii loogu talo galay uusan xilka wareejin, balse Jammeh ayaa weli ku adkeesanaya inuu xilka siihayo wallow uu waayey taageerada Midowga Afrika iyo dalalka Jaarka la ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay