Freedom is never voluntarily given by the oppressor; it must be demanded by the oppressed.

Martin Luther King, Jr.



Waxa guulo la taaban karo ah sanadkan 2011-ka in qadiyada somalida Ogadeniya goobo sare oo kamid ah faggaarayaasha caalamku ku doodo in lagaga dooday oo siyaabo badan loogu gorfeeyay. Shacabka Somalida Ogadeniya ee ku dhaqan wadamada Ree galbeedku waxay 10 kii sanno ee u danbeysay ay la yimaadeen xirfado horey loogu aqqoon jirin halgamadi kahoreeyay ee somalida Ogadeniya. Waxayna ku guuleysteen inay sameystaan Ururo Haween, ururo Dhalinyaro, iyo kuwo xuquuqul insaan iyo jaaliyado xoog badan oo si firfircoon oo isudheelitiran kaga howlgala wadamada ay daggan yihiin.

Shacabka Ogadeniya  maysan waliggood ka tanaasulin u daggaalanka xoriyadooda. Waqtigaan lagu jiro waxay si isdaba joog ah uga xaadiraan shirarka caalamiga ah ee UN-ta. Iyaga oo halkaas ay kala kulmaan soo dhaweyn saaxiibo badana ay ku yeesheen taas oo u saamaxda in lasiiyo kuraas ay kaga qeyb galaan dhageysiga arrimaha Ethiopia.

Taariikhdu markay aheyd 5-9 December 2011 waxa ka furmay shir lagu dhageysanayo arrimaha xuquuql insaanka Ethiiopia dhinaca  xuquuqda bulsho u leedahay dhaqankooda, noloshooda iyo isdhexgalkooda. Dhageysigaan ayaa waxa lagu gorfeyay daryeelka ay haweenka somalida Ogadeniya hellaan iyo cadaadiska kaga yimaada gumeysiga Ethiopia.

Shirkan oo ay atoobiya ogeyd inaysan jawaabo ka baxin Karin, islamar ahaantaasna eedeymo horey loogu soo oogay aysan hayn jawaabteeda. Dowlada Itoobiya waxa ay go’aan satay in xubnihii u  fadhiyay qaramada midoobay ay kusoo wargaliso inaysan shirkaas ka qeyb galin. Waxayna golaha u baneysay Hayadihii bulshada Somalida Ogadeniya oo iyagu wattay buugaag badan oo ku qoranyihiin dacwada ay ku soo ogayaan gumeysiga Ethiopia.

Shirkaan oo ay ka qeyb galeen Ururka dhalinyarada OYSU, Hayada Xuquuql insaanka ee ARM iyo Ururka Ogaden Resolve ayaa halkaas soo bandhigay dacwadihii ay qabeen.

Waxaana dacwadii hore soo dhiibay dhalinta OYSU.

OSYU waxay ka hadleen xuquuqda haweenka iyo haweenka ogadeniya dhibaatoyinka uga yimada gumeysiga. Waxay xuseen dagalada ka socda ogadeniya saameynta ay ku yeelatay haweenka. Haweenka Somalida Ogadeniya looma ogola inay ka qeyb qaatan waxbarashada, sidoo kale looma ogolla inay ka qeyb qaataan shaqada oo midna si xor ah aysan u helayn.

Waxa ururka OYSU oo soo jeediyay in

golahan uu dabagal ku sameeyo dowlada Ethiopia. Isla mar ahaantaasna xaqiijiyo xuquuqda Haweenka Ogadeniya ay leeyihiin.

Waxa kale oo ururka OYSU ku adkeyay golahan in ay dowlada Itoobiya ku cadaadiyan inay oggoloto guddi xaqiiq raadin ah oo ka socda UN-ta baadhitanona ku soo sameya tacadiga gumeystuhu kuhayo shacabka Somalida Ogadeniya khaasatan waxyeelada haweenka.

Hadaba  dhageysigan oo ay noo suurto gashay filimadisi inaan helno hoos ka daawo.

Filimadi qudbadi ARM oo ku baxaysay Afka Fransiiska iyo qudbadi ururka Ogaden Resolve oo film ah iyo warbixintedi dhowaan la soco. Hoos ka daawo qudbadii OYSU ee shirkaas.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay