Yahya Jammeh, Madaxweynaha dalka Gaambiya ayaa xilkiisi ku ekaa habeen hore, waxaa sharcigu dhigayey in maalinta khamiista ah uu xilka wareejiyo kadib markii looga adkaadey doorashadii dhawaan dalkaas ka dhacdey. Laakiin wuxuu ku dhawaaqey in uu xukunka sii hayn doono dalkana gelin doono xaalad deg-deg ah.

 Doorashadii dhacdey 1 Diseembar 2016 Yaxya Jammeh waxa uu qiray in uu ka guuleystay ninka la tartamaayey ee Adama Barrow. Jammeh ayaa Gaambiya ku hoggaaminayey gacan bir ah muddo 22 sano ah. Wax yar kadib qirashadii in laga guuleystay ayuu ka noqdey kadib markii uu sheegay in ay jiraan codad badan oo aan la tirin.

Waxaa xilka iska casiley qaar kamid ah golaha wasiirada kuwaas oo ka mudaaharaadaya, diidmada Madaxweynuhu in uu xilka wareejiyo. Dalalka dariska la ah Gaambiya ee Galbeedka Afrika ayaa sheegay in ay farogelin ciidan ku samaynayaan Gaambiya oo ah dal yar haddii xaaladdu ka darto.

Waxaa ka soo baxayey wadanka Gaambiya ajaanibta dalxiisayaasha ah, maadaama dalxiisku uu yahay ilaha dhaqaale ee dalkaas, waxaana si weyn u jecel in ay u tamashle tagaan dadka reer galbeedka ah.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay