Ra’iisalwasaaraha dalka Holland Mark Rutte ayaa sheegay in dadka aan jeclayn inay ku noolaadaan dalka Holland ay ka tagaan waddanka.

Waraysi dheer oo uu uu siiyay Mark Rutte wargays dalka Holland laga leeyahay ayuu u sheegay inay tahay wax lala yaabo in dadka qaar ay diideen inay dumarka u dhashay dalka Holland ay gacanta ku salaamaan, taasoo uu ula jeedo Muslimiinta muhaajiriinta ah ee ku sugan dalka Holland.

Dadka soo galay dhawaan waddanka oo isku dayaya inay dhaqankooda dadka ku qasbaan ayaa ah wax laga cadhoodo ayuu yidhi Mr. Rutte, isagoo sheegay in dadka reer Holland ay dareemayaan in waddankooda uu ka baxayo gacantooda.

Hadalkan kasoo yeedhay Mark Rutte ayaa yimid iyadoo fikradaha dadka laga soo arruuriyay ay muujinayso in xisbiga lagu magacaabo Xisbiga Xoriyadda ( Freedem Party) ee islaamka ka soo horjeeda aadkana u neceb, uu yahay xisbiga ugu taageerada badan. Doorashada guud ee waddanka ayaa dhacaysa bisha 3aad ee sanadkan aan ku jirro ee 2017.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay