Sida laga soo xiganayo Wakaalada wararka ee dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi ayaa sheegaya in habeen sore weerar culus lagu qaaday Bangi ku yaalla magaalada Mandheera.

Sida warkan uu sheegayo weerarkan ayaa lagu dilay hal qof oo la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada keydka ee dalka Kenya oo bangigaas la weeraray waardiye ka ahaa. Weerarka ayaa waxaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Kenya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu kusoo beegmay xilli bandow habeenkii ah uu weli saaran yahay magaalada Mandhera iyo nawaaxigeeda, oo dhawr mar oo hore ay ka dhaceen weeraro ay fulisay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay