Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Britain (UK) ayaa go’aamisay in ay waajib tahay in baarlamaanka Britain uu u codeeyo in la billaabi karo qorshaha ay Britain kaga baxayso Midawga Yurub (EU).

Warkan ayaa sheegaya in go’aankan ay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Britain (UK) qaadatay uu ka dhigan yahay in Ra’iisul-Wasaaraha Britain Theresa May aysan wadahadal la yeelan karin Midawga Yurub ilaa iyo inta ay taageero ku filan ka helayso xildhibaanada, inkasta oo ay u badan tahay in arrintaasi ay dhacdo wakhtiga kama dambaysta ah oo ku beegan 31 bisha 3aad 2017.

Waxaa kale oo ay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Britain (UK) amartay in aan codayn looga baahnayn baarlamaannada Scotland, Welsh iyo Northern Ireland. Goboladan ayaa iyagu taageersan kasii mid ahaanshaha Midawga Yurub, Sidaas darteed aan iyaga looga baahnayn in ay markale u codeeyaan mawduucan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay