Ethiopian Review – Boqolaal Itobiyaan ah oo ka qayb qaatay orodka loo yaqaano -Great Ethiopian Run- oo Addisababa lagu qabto sanadwalba ayaa laba todobaad ka hor wuxuu isku badalay banaabax looga soo horjeedo Kali-taliye Meles sida ka muuqata Video-ga la soo xaday ee hoosta ka muuqda.

Ciidamada booliska federaalka ayaa dad gaadhaya 50meeyo xidhay oo 27 ka mid ah la soo daayay Jimcihii. Inkastoo dambiga ay galeen dadkaasi uu yahay un inay si nabadgalya ah ugu banaabexeen kali-talisnimada Wayaanaha, hadana inta xabsiga lagu reebay ayaan la garnayn meesha ay ku dambayn doonaan.

Waxay dadkan ordaya ku dhawaaqayaan;

Woyanne Leba, Leba Leba, Woyanne Leba, Leba, Leba (Woyanne tuug, tuug, tuug)
Ende Gaddafi Aykeriletim Tifi (Waxaa isagana loo dharbaaxi doonaa sidii Qadaafi)
Sanifeligachew 20 ametachew (20 sano ayay na dulsaaran yihiin anagoon dooranin)

Video-gan waxaa soo xaday kooxda sirdoonka ee Ethiopian Review.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay