Hay’adda gargaarka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn ee magaceeda loosoo gaabiyo MSF ayaa shalay ku dhawaaqday in ay hawlaheedii dib uga billaabi doonto wadanka Soomaaaliya kadib markii ay isaga baxday 3 sano ka hor ka dib markii uu ammaanka Soomaaliya aad u xumaaday.

Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahaynnaee MSF waxay Soomaaliya ka shaqaynaysay muddo lagu qiyaasay 20-sano iyo ka badan. Wakiilka MSF Soomaaliya Guatam Chetterje ayaa saxaafada u sheegay in hay’addu ay shaqadeedii dib u billaabi doonto bisha April ee sanadkan aan ku jirro.

MSF ayaa joojisay dhammaan barnaamijyadii ay ka waday wadanka Soomalaiya sanaddii 2013-kii ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda MSF lagu bartilmaameedsaday weeraro hubaysan oo khasaare balaadhan uu kasoo gaadhay hay’ada.

Hay’adda ayaa bixin jirtay adeegyo u badan caafimaad iyo nafaqeynta kumanaan kun oo caruur ah oo ay baro-kiciyeen abaaraha iyo colaaddaha sokeeye ee saameeyay qaranka Soomaaliya oo idil kuwaas oo socday mudo dheer.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay