Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adigrat ee Gobolka Tigree ayaa sheegaya mudaharaad wayn oo gilgilay magaalada iyo deegaanada ku xeeran.

Sida warku sheegayo mydaharaad culus ayaa maalin nimadii shalay kabilowday Jaamaca magaalada Adigrat wuxuuna mudaharaadku bilowday kadib markay ardayda qoomiyadaha aan Tigreega ahayn tirsadeen cadaalad daro badan iyo waliba caga juglayn kaga timid ciidamada wayaanaha iyo maamulka Jaamacada.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay ardayda mudaharaadayay ku dhawaaqayeen hubka halaga qaado ardayda udhalatay Tigreega iyo erayo kale oo ay kaga cabanayeen maamulka Jaamacada.

Ardayda u dhalatay qoomiyada Tigreega ee dhigata Jaamacadaha Itoobiya ayaa loo shirciyeeyay in ay hubka qaataan waxayna ardayda ugu kale ugu caga jugleeyaan isla markaana kudilaan Jaamacadaha dhex dooda.

Dhinaca kale ardayda udhalatay qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromada ee waxkabarata Gobolka Tigree ayaa lasaaray cadaadis gooni ah waxaana loo bartimaameed sanayaa in ay qoomiyadahoodu kacdoon kala horjeedaan kooxda TPLF.

Sidoo kale maamulka Jaamacada ayaa lasheegayaa in ay uyeedheen ciidamo kuwa wayaanaha ah waxayna ciidamadu bilaabeen in ay rasaas nool kuridaan ardayda banaanbaxaysa waxayna xabsiga dhigeen arday aad ubadan oo kamid ahaa kuwii mudaharaadayay.

Sikastaba ha ahaatee kacdoonka lagaga soo horjeedo kooxda TPLF ayaa u muuqda kuwo meel kasta gaadhay waxayna kooxdu gaadhay in ay naftooda aamini waayaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay