Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia  gaar ahaan Tuulada burqayar oo kamid  ah dagmada Dhanaan  ee Gobalka shabeele ayaa lagu soo waramayaa inay  ciidamada  Gumeysiga Ethiopia  u shaqeeya  ee Dabaqoodhiga looyaqaano ay  halkaasi  ka fuliyeen dhibaatooyin ka dhan ah dadka  shacabka  deegaankaasi oo xiligan lagu jiro  ladaalaa dhacaya Abaaro iyo Colaad  daba  dheeraatay.

Muwaadin ku sugan Degmada  dhanaan oo u waramay wakaalada  Wararka Ogadenia ONA ayaa  sheegay in Amar ka soo baxay  Labada nin ee lagu  kala magacaabo Mukhtar Suubane iyo Ahmed Ilkacase Xabsiga lagu dhigay 15-kamid ah Culimada Deegaanka Burqayar, laguna  xukumay  min halsano  oo xabsi ah iyo lacag lagu sheegay 3000-bir.

waxaa uu intaasi ku daray in Lix kamid ah Culimadii  Jeelka lagala baxay  meelageyayna  aan laga  warheynin, waxaana kamid ah.

Sheekh Abdixikim

Sheekh Abdirahman.

Sheekh Xasan nuur

sheekh Abdullahi yare.

wixii  ka soo kordha  kala soco warar keena  danbe.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay