Waxaa maanta kulan koodu bilaha ahaa isugu yimid jaaliyada Ogadeniya wadanka Koonfur Afrika faraca Pretoria  waxaana kasoo qayb galay dhamaan xubnaha jaaliyada iyo maamulka shirkan ayaa wuxuu ahaa shirkii bilaha ahaa ee jaaliyada waxaana shirkan lagu furfuray wacdi diini ah waxaana intaas kadib shirka furay gudoomiayaha jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Koonfur Afrika Mudane Mohamed daahir wuxuuna ka waramay wixii u qabsoomay maamulka jaaliyada sadexdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa kale oo uu gudoomiyaha soo bandhigay qorshaha ay jaaliyadu higsanayso bilahan soo socda.

Shirka ayaa sidoo kale wuxuu ahaa mid ay ku kala war qadan hayeen xubnaha iyo maamulka waxaana lagu dajiyay qorshayaasha soo socda, waxaana hoosta laga xariiqay qodoba dhawr ah oo lagu dar dar galin hayo hawlaha jaaliyada horyaala kuwaas oo ay kamid yihiin abaabulka iyo xoojinta halganka xaq u dirirka ee shacabka Ogadeniya ku jiraan.

Waxaa sidoo kale shirkan ka hadlay qaar kamida xubnihii kasoo qayb galay shirka waxayna dhamaan tood ka dhawaajiyeen in jaaliyada iyo xubnaheedu ay xoojiyaan isku duub naanta ayna la yimaadaan wax qabad dhaba kaasoo kor loo qaadayo halganka laguna dar dar galiyo halganka Ogadeniya ee jwxo hormuudka u tahay.

Shirkan ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday si guul ah waxaana dhamaan xubnaha lagu wada balamay in daba laga riixo gumaysigan wakhtigiisii dhamaaday.

ONA/Pretoria

IMG-20170127-WA0021 IMG-20170127-WA0022 IMG-20170127-WA0023 IMG-20170127-WA0024 IMG-20170127-WA0025

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay