Waxaa maanta ka bilaw day magaalada sanca ee caasimada wadanka yamen shirwayne ay qabsan hayeen jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Yamen shirway nahan ayaa wuxuu ahaa shir wadatashi ah kaasoo lagu qaban hayay dhamaan ba daafaha caalamka shirway nahan ayaa waxaa lagu qabtay guriga umada magaalada sanca waxaana kasoo qayb galay dhamaan ba xubnaha jaaliyada Ogadeniya ee yamen waxay na soo buux dhaafiyeen hool shirarka ee guriga umada.

Shirkan ayaa qayb ka ahaa shirar wadatashiga jaaliyadaha Ogadeniya ee heer caalami kaasoo ka qabsoomay qaybo badan oo kamida caalamka waxaana lagaga tashan hayay is badal siyaasiga ah ee kusoo socda geeska afrika iyo marxalada kala guurka ah ee geeska afrika gali doono.

Shirkan ayaa waxaa ugu horayba lagu daah furay heesta calabka Ogadeniya waxaan cod macaan ku qaaday shacabkii xaflada kasoo qayb galay iyo kooxda Horseed Qaran oo ah koox faneed ka dhisan yamen waxaana loo wada sarakacay heestii calanka Ogadeniya intaas kadib.

Shirka ayaa waxaa furay hogaanka abaabulka jaaliyada Ogadeniya ahna kusii simaha gudomiyaha Jaaliyada ee yamen mudane Axmed Nuur wuxuuna ku fur furay wacdi diini ah sida caadada inoo ahayd intaas kadib wuxuu hogaanku ka hadlay shirkan u jeed kiisa loo qabtay wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid wadatashi ah kaasoo lagaga tashan hayo marxalada kala guurka ah ee geeska afrika iyo meesha uu marayo hayaan kii iyo geedigii halganka Ogadeniya ee so bilawday mudada fog.

waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay hogaanka warfaafinta ee jaaliyada kaasoo soo jeediyay qudbad dheer iyo hadal nuxur ah oo uu gudoomiyaha jabhada wadaniga xoraynta Ogadeniya Mudane Mohamed Omar Cusmaan uu usoo diray jaaliyada waxaana dhamaan kasoo qayb galayaashii la la dhaceen qudbadii laga soo naqliyay gudoomiyaha jwxo.

shirka sidoo kale waxaa talo bixin badan kasoo jeediyay xubno badan oo kasoo qayb galay kuwaasi oo si hufan looga dooday intaas kadib waxaa lasoo xulay gudi ka kooban 35 xubnood kuwaas oo si gaar gaara iyo qayb qayb ah usii wadi doona wadatashiga wuxuuna shirkan socon doonaa hadii alle yiraaahdo  sadexda maalmod ee fooda inagu soo haysa.

shirkan ayaa wuxu gabagabadii kusoo dhamaaday si guul ah waxaaana lagu balan san yahay in la isugu soo laabto kulan ka soo socda hadi alle idmo

ONA/Sanca

 

IMG-20170127-WA0018 IMG-20170127-WA0017 IMG-20170127-WA0015 IMG-20170127-WA0013 IMG-20170127-WA0011 IMG-20170127-WA0010 IMG-20170127-WA0007 IMG-20170127-WA0003

IMG-20170127-WA0009

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay