Wasaarada arimaha dibada ee wadanka Norway ayaa waxay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Bariga Itoobiya gaar ahaan dhulka Soomlida Ogadenya ee ay Ethopia xooga ku maamuluto.

Warbixintan cusub oo wasaarada arimaha dibadu ay kusoo daabacday bogooda rasmiga ah oo ay ku leedahay internetka, ayey ugu digtay inay muwaadiniinta u dhalatay dalka Norway ay u safraan ama ay ku nagaadaan gobalka Ogadenya. Iyada oo sidoo kalena ku wargalisay inay aad u feejignaadaan, hadii ay u safrayaan gobolada Ethopia xuduudka la leh wadamada Ereteriya iyo Koonfurta Suudaan.

Wasaarada ayaa sidoo kale ku dhiirigalisay muwaadiniinta Norway ee hada ku sugan Itoobiya, inay iska diiwaan-galiyaan webka ay wasaaradu u sameysay muwaadiniinta Norway ee ku safro wadamada dibada ee shaqaaqooyinka iyo colaaduhu ka jiraan sida Itoobiya oo kale.

Xaalada amaan ee Itoobiya ayaa aad u kacsaneyd bilihii ugu danbeeyay ee sanadkii lasoo dhaafay 2016 kii, kadib markii ay banaanbaxyo waaweyn ka sameeyeen dad ka cadhaysan maamulka digtaatooriga ah ee kooxda Tigreega ah ee ku naaxday dhiiga iyo dhaqaalaha shacabka.

Hoos ka akhri Qoraalkii wasaarada Arimaha Dibada oo ku Qoran Luuqada Norwegianka

Regjeringen.no/ Utenriksde.NO , ABC-nyheter

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay