Maxkamada Sare ee dalka Giriiga ayaa Khamiistii go’aan ku gaadhay inaan la tarxiili karin 8 sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Turkiga oo iska dhiibay wadankaasi.

Dowlada Turkiga ayaa horey uga codsatay Giriiga in dib loogu soo celiyo 8da sarkaal ee la baxsaday diyaarad helikobter ah kadib inqilaabkii fashilmay ee bartamahii sanadkii horey ka dhacay dalka Turkiga.

Saraakiishan ayaa magangelyo siyaasadeed weydiistay dowlada Giriiga iyagoo sheegay in naftooda ay khatar ku jirto hadii dib loogu celiyo Turkiga.

Xukuumada Giriiga ayaa horey diyaarada ugu celisay Turkiga balse dib u celinta saraakiisha u gudbisay maxkamada Giriiga.

Go’aanka Maxkamada Giriiga ayaa waxaa si weyn uga cadhooday dowlada Turkiga oo sheegtay in go’aankan uu saameyn ku yeelan doono xidhiidhka labada dal.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay